Washington (CKG)- Wasiirka Beeraha Soomaaliya Mudane Ahmed Madoobe Noonow Mohamed (Ahmed Baashi) ayaa Waxaa uu ka qeyb-galey kulan heer sare ah uu shir guddoominayey Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Aduunka Mr. Juergen Voegele oo ka dhacey Magalaada Washington D. C. ee dalka Mareykanka.
Shirka oo ku saabsanaa xiriirka u dhexeeya Biyaha, Isbeddelka Cimilada iyo Sugnaanta Cunnada ayaa wasiirka waxaa uu ugu hadley caqabadaha iyo waaya-aragnimada Soomaaliya iyo baahida loo qabo in xal-waara laga gaaro amuurahaas iyo sidii looga faa’iideysan lahaa fursadaha waxsoo saarka Beeraha Soomaaliya.
Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa muddooyinkan dambe wada dadaalo fursad weyn siinaya beeraleyda dalka kuwaasi oo u baahnaa inay la jaanqadaan casriga cusub.
Codkakoonfurgalbeed.Com