Wednesday, February 28, 2024
More

    Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo dhiggiisa dalka Ruushka kula kulmay Moscow +(SAWIRRO)

    Moscow (CKG) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruse ayaa booqasho ku tegay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, halkaasi oo uu wada-hadallo kula yeeshay dhiggiisa Sergey Lavrov.

    Mr Lavrov ayaa sheegay in ayada oo la isku haleynayo guulihii la gaaray tobanaankii sano ee tegay, ay labada dal si firfricoon u horumarinayaan una xoojinayaan iskaashigooda dhinacyo badan.

    Sidoo kale, Lavrov ayaa xusay inay marinno laba geesood ah uga shaqeynayaan ajendayaasha gobolka, kuwa Qaramada Midoobe iyo masraxyada caalamiga ah.

    “Maanta waxaan aragnaa fursad wanaagsan oo aan dib ugu eegno ajendaha iskaashiga, oo aan ka wada hadalno halka ay lagama maarmaan tahay inaan kor u qaadno dadaalkeenna iyo in mowduucyo dheeri ah lagu soo dari karo,” ayuu yiri Lavrov.

    Sidoo kale wuxuu yiri, “Waxaan sidoo kale ka wada hadli doonnaa u diyaar garowga shir madaxeedka Ruushka iyo Afrika oo dabayaaqada bisha Luulyo ka dhici doona magaalada St. Petersburg”.

    Abshir Cumar Jaamac Huruse, wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay inay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa una ahaan lahaa mid mar walba ku dhisan Iskaashi, is-qadarin iyo wax wada qabsi.

    “Waxaan maanta kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Moscow, Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka Mudane Sergey Lavrov, waxaan  ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa, una ahaan lahaa mid mar walba ku dhisan Iskaashi, is-qadarin iyo wax wada qabsi” ayuu yiri Wasiir Huruuse.


    CodkaKoonfurGalbeed.com

    WARARKA LA XIRIIRA

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    KU BIIR ASXAABTA BARTA FACEBOOGEENA

    LATEST HEADLINES

    Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com