Wednesday, February 28, 2024
More

    Wasiirka arrimaha dibadda ee DFS oo Daah-furay Shirweynaha Qurba-joogta Soomaaliyeed

    Muqdisho (CKG) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse), ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay shirweynaha Qurba joogta Soomaaliyeed.

    Shirkaan ayaa waxa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin kala duwan oo kala socday bulashda qeybaheeda kala duwan, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Xildhibaano ka tirsan labada Gole Baarlamaan,Bulshada rayidka iyo Qurbe joogta Soomaaliyeed.

    Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac oo shirka furay, ayaa sheegay in qurba joogta ay kaalin muuqato ka qaateen dib u dhiska dalka,waxa uu sheegay in ay qabaan baahiyo kala duwan una baahan in xal loo helo

    “Waxaa jira Dad badan oo Soomaaliyeed oo dhibaato nolol xumo iyo sharci la’aan ah ay ku haysato dalalka ay joogaan dadaal ayaan ku bixin doonaa si wax looga qabto” sidaa ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda.

    Ugu dambeyn, Shirka ayaa inta u socdo looga hadli doonaa Arrimaha la xariira siday qurba-joogta Soomaaliyeed door muhiim ah uga qaadan lahaayeen Hanaanka Dowlad dhiska Soomaaliya kan Dhaqaale abuurka bulshadda iyo sidii wax looga qaban lahaa baahiya ay qabaan Qurba joogta Soomaaliyeed.

    CodkaKoonfurGalbeed.com

    WARARKA LA XIRIIRA

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    KU BIIR ASXAABTA BARTA FACEBOOGEENA

    LATEST HEADLINES

    Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com