Muqisho (CKG)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay danjiraha cusub ee dowladda Canada u qaabilsanaan doona dalkeenna Mr. Christopher Thornely.
Waddamada Soomaaliya iyo Canada waxaa ka dhexeeya xiriir dheer oo iskaashi iyo saaxiibtinimo, waxaana ku nool waddanka Canada jaaliyad Soomaaliyeed oo aad u ballaaran saamayn badanna ku leh labada waddan.
“In dawladda Canada ay Danjire u soo dirsato dalkeenna waxay sii adkaynaysaa xiriirka dhinacyada badan ee ka dhexeeya labadeenna dal.” Ayuu yiri Wasiir Huruuse.
CodkaKoonfurGalbeed.Com