Serbia (CKG)- Wasiirka Amniga Gudaha Dr Doodishe ayaa kulan la qaatay khuburadda Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Amniga Dalka Serbia.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) oo Safar shaqo ku jooga dalka Serbia ayaa kulan la qaatay Khuburada Amniga dalka Serbia ee Dambiyada Abaabulan ee Wasaaradda Amniga Serbia iyo Shirkadda Yugo- Import oo Ay leedahay Dowladda Serbia.
Wasiirka ayaa khuburada kala hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Ciidanka iyo tababarada dhinaca tiknolojiyadda iyo howlwadeenadda ka shaqeeya Amniga iyo in khuburada Serbia ay soo booqdaan Soomaaliya.
Codkakoonfurgalbeed.Com