Home » Wasiirka Amniga KGS oo ciidamada faray in ay xoojiyaan ladagaalanka kooxda Al-shabaab(SAWIRRO)

Wasiirka Amniga KGS oo ciidamada faray in ay xoojiyaan ladagaalanka kooxda Al-shabaab(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Berdaalle(CKG)-Degmooyinka qaar ee ka tirsan koonfur galbeed soomaaliya waxaa ka taagan colaado xooggan kuwaasi oo u dhaxeeyo beelaha isla dega degmooyinkaasi ayadoo colaadahaasi intooda badan salka ku hayaan lahaanshiyo dhuleed iyo kuwo aanooyin qabiil ah.

Degmooyinka ka socdaan colaadahaasi ayaa waxaa si is daba joog ah u garayeen mas’uulin ka tirsan maamulka koonfur galbeed soomaaliya oo ugu horeyaan wasiirka wasaaradda arimaha gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta mudane Cabdulaahi Xaaji Xasan iyo wasiirka wasaaradda amniga gudaha mudane Xasan Cabdukaadir Maxamed iyo mas’uulin kale oo KGS ka tirsan.

Wasiirada ayaa waxay kulamo kala duwan laqadanayeen culimada, odiyaasha iyo ciidamada loo adeegsanayey colaadaha ayagoona kala hadlaayay waxyaabaha keenay colaadda iyo sidii loo joojin lahaa madaama lagu dul dagaalamaayay bulshada ku nool degmooyinkaasi.

Wasiirada Amniga iyo arrimaha gudaha koonfur galbeed ayaa ku guleysteen in ay xal ka garaan nabadda ay ka dhigaan degmooyinkaasi qaar oo colaadaha ka socdeen sida Berdaale, Diinsoor, Buur-Hakaba iyo degmada Walanweyn.

Kulamada inta badan ay la qadanayeen wasiirada Malaaqyada,culimada, odiyaasha dhaqanka iyo qaar kamid ah bulshada degmada ayaa waxay kula hadlayeen sidii dib dambe aysan soo laaban colaad beeledyada ka socdaan degmada ayadoona xiligaani la joogin in lagu dul dagaalamay bulsho aan waxba gaysan.

Wasiirka wasaaradda Amniga gudaha maamulka koonfur galbeed soomaaliya Mudane Xasan Cabdukaadir Maxamed oo hadda ku sugan degmada Berdaale ee gobolka Baay oo dhawaan ka socotay arimo la xiriira dagaal beeledyo oo hadda xal laga gaaray oo la hadlaayay ciidamada ku sugan degmadaasi kula dar daaramay in laga waantoowo in bulshada dhaxdeeda lagu soo abaabulo dagaalo iyo wax aan ku haboneen in bulshada dhaxdeeda lagu sameeyo.

Wasiir Xasan ayaa ciidamada ku amaanay howlaha amniga ay ka wadaan guud ahaan koonfur galbeed soomaaliya iyo la dagaalanka kooxda al shabaab asigoona ciidamada faray in ay xoogga saraan sidii kooxda al shabaab looga adkaadi lahaa.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com