G/Buuray(CKG)-Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Hasan Abdukadir Mohamed oo ay Wehliyaan saraakiil Ciidan ayaa Gaarey Deeganka Goof-gaduud buurey ee Gobolka Bay halkaasi oo maalmo ka hor weerar ku soo qadeen kooxda al-shabaab kuwaasi oo saacado kooban gacanta ku dhigay degaanka.
Wasiirka Amniga oo Gudaha Deegaanka Kula hadley Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugun Deeganka ayaa kula dardaarmey inay Xoojiyaan Sugidda amniga Deegaanka Goof-gaduud, Wasiirka ayaa Saraakiisha iyo Ciidamada naftood hurayaasha ah Ku amaanay Howgalada ay ka wadaan Deegaanada KGS.
Sidoo kale mas’uuliinta gaaray degaanka goofgaduud Buuray ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha qeybta Booliska gobolka Baay Amiin Maxamed Iimaan (Mad Daruur), Taliyaha ayaa sidoo kale la dar-daaramay ciidamada kala duwan ee degaanka ka sugan waajinaadna iska saraan ilaalinta nabad galiyada dadka iyo degaanka.
Codkakoonfurgalbeed.com