Home » Wasiir Mukhtaar Roobow “Ummadda Soomaaliyeed waxaan u sheegaa Ogaada Xajku dalxiis ma ahan”. +(VIDEO)

Wasiir Mukhtaar Roobow “Ummadda Soomaaliyeed waxaan u sheegaa Ogaada Xajku dalxiis ma ahan”. +(VIDEO)

by Weriye Ahmed Yare

Muqdisho (CKG) – Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo shir jaraa’id ka qabtay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan Xajka sanadkan oo mar kale cabasho xoogan ay ka soo yeertay.

Xujeyda Soomaaliyeed ayaa qaarkood sanadkan ka soo cawday adeeg xumo la sheegay inay mas’uul ka tahay DF Soomaaliya, kuwaasi oo ay kala kulmeen goobihii la dajiyay.

Qaar ka mid ah Xujeyda ayaa ku cawday in aan la dejin hoteello fiican, isla markaana kuleel daran ay kala kulmeen magaalada Makka oo aad u kulul cimiladeeda.

Waxaa nasiib darro ah in mararka qaar la arkayo qof dhahaya Xajkaan fashilinayaa, subxaanalaah, war xajka waa rukni ka mid ah arkaanul islaam” ayuu ku yiri Shirkiisa jaraa’id Wasiir Roobow.

Halka hoose ka daawo Shirka Jaraa’id ee Wasiir Roobow oo dhammeystiran:

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com