Muqdisho (CKG) – Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur) ayaa ku dhawaaqay in si rasmi ah Sabtida maanta ah u bilowday duulimaadka Xujeyda Soomaaliyeed ku tegayaan xajka sanadkan.
Wasiir Roobow ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay maanta ka baxayaan 422 xujey ah, halka Hargeysa ay ka baxayso diyaarad sidda 165 Xujey ah taas oo tirada guud dadka maanta baxaya ka dhigeysa 587 muwaadin si ay u soo gutaan waajibaadka Xajka ee sanadka 1444 Hijriya.
“Maanta waxa uu ilaahey inoo suurageliyay in duullimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed ah in ay safraan, Labo magaalo ayay ka baxeen waa Muqdisho oo labo duullimaad ah iyo Hargeysa oo hal duullimaad ah. Muqdisho waxaa ka ambabaxay 422 xaaji iyo Hargeysa oo ay ka safreen 165 Xaaji, wadartooda waa 587 Xaaji” ayuu yiri Wasiir Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Fedaraalka.
Wasiir Mukhtaar Rooboow Cali ayaa ku amaanay madaxda DF Soomaaliya iney door wanaagsan ka qaateen sidii sanadkaan Xujaayda Soomaaliyeed u heli lahayeen adeegyada ay u baahan yihiin oo dhameystiran.
Ugu dambeyn, sanadkan ayaa la filayaa inay guud ahaan dalka ka soo xajiyaan kumanaan Xujey oo Soomaali ah, si ay u soo gutaan waajibaadka Xajka ee sanadka 1444 Hijriya
CodkaKoonfurGalbeed.com