Home » Wasiir hore KG ilyaas Cali oo arimo siyaasadeed ku tilmaamay dagaalada KGS.

Wasiir hore KG ilyaas Cali oo arimo siyaasadeed ku tilmaamay dagaalada KGS.

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Ilyaas Cali Nuur oo ah siyaasi ka soo jeeda KGS horeyna KG u soo qabtay xilaal kala duwan gaar ahaan wasiirka warfaafinta iyo wacyi-galinta bulshada KG ayaa wax qalad ah ku tilmaamay in siyaasiin, odiyaal iyo mas”uulin kale ay ku murmaan in degmada Baraawe ay tahay caasimadda KGS, taasi oo Ilyaas Cali ku sheegay in Dastuurka DFS ku qoran yahay dowladdana ay ogtahay.

Ilyaas cali ayaa sheegay in kaliya xiligaani loo bahan yahay in la dejiyo xaaladaha ay  ka jiraan degmada Baraawe, lagana shaqeeyo sidii nabad iyo xasilooni loo kala dhax dhigi lahaa labada dhinac ee dagaalka ku dhax maray caasimadda KGS ee Baraawe.

Degaanada KGS oo loo cilaamiyay in laga bilaawo wajigii labaad ee ka xureyta Kooxda Al-shabaab ayaa Ilyaas cali ku tilmaamay in qalalaaso iyo dib udhac loo galinin, iyadoo la ogyahay shacabka dega degmada Baraawe.

Ilyaas Cali Nuur ” dagaalka ka bilowday degmada Baraawe ayaa waxaan ku tilmaali karaa in uu yahay mid siyaasideed oo larabo in isku dhacyo iyo qalalaaso loo horseedo qabiilada dega degmada Baraawe, taasina waxay abuuraysaa dib u dhac hormarineed iyo in uu dhaco dagaal dhiig badan ku daadta”

Ilyaas Cali Nuur siyaasi KGS oo waraysi gaar ah sinaayay mid kamid ah warbaahinta dalka ayaa sheegay isku dhacyadaan iyo dagaalada madaxweynaha KGS midane Cabdi Casiis Xasan Maxamed oo mudo xileedkiisa dhamaaday madaama hal sano oo heshiis siyaasadeed ah loogu daray in uu ka dhax raadiyo fursad ah in uusan ku dhawaaqin dagaanka ay horey u shaacisey  Dowladda Faderaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Ilyaas Cali ayaa sheegay in lafta-gareen uu ka soo hor jeedo Soomaali heshiis ah oo is dhax gali  kara guur, degaameen iyo is dhaxgal bulsho sameyaan iyo in ay degaanada KGS ay ka dhacaan Doorasho ah qof iyo Codkiisa.

Waxyaabaha kale ee siyaasi Ilyaas Cali Nuur sheegay ayaa waxaa kamid ah in la siyaaseyay oo iska caddahay in degmada Baraawe oo caasimadda KGS aysan heli ciidanka ay heleen degmooyinka kale ee ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool, wuxuuna ku daray in ciidankii loogu talagalay Baraawe lagu heysto degmada Baydhabo, kaliya degmada Baraawe la keenay 50 askari oo ilaalinaayay doorashooyinkii lagu soo doortay xildhibaana DGS oo degaan doorashadooda ay tahay Baraawe, kadib ciidanka loo adeegsaday in ay ilaaliyaan kaliya madaxtooyada KG ee degmada Baraawe.

“Siyaasadda ka taagan KGS hadii la qaboojinin waxaa sii dheraanaysa muddo xileedka KGS, kaliya Baraawe kama taagana isku dhacyada ee degmooyinka qaar, waxaa lagu mashquuliyay golaha degaan, iyadoo weli arintaasi ay diidan yihiin odiyaasha iyo siyaasinta, sida degmada Buur-Hakaba ayuu yiri” Ilyaas Cali Nuur oo ah wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-galinta bulshada KGS.

Ugu dambeyntii waxaan ku baqeyna ayuu yiri Ilyaas Cali nabad iyo in laga dhaafo caadifad iyo arimo qabyaalad.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com