Muqdisho (CKG) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, kaddib markii xalay uu ka qeybgalay munaasabad lagu shaacinayay degmooyinka cusub ee Gubadley, Daarusalaam iyo Garasbaaley ee ka dhacday xarunta gobolka Banaadir.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa jawaab ka bixiyay war-saxaafadeedyo ay ku diideen go’aannadii ka soo baxay Shirkii golaha wadatashiga Qaranka, Madaxweynayaashii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sh. Axmed.
Fiqi ayaa qoraallada ka soo baxay Farmaajo iyo Sheekh Shariif ku sheegay, wax aan la fahmi karin, aadna u tiro badan, sida uu goobta munaasabadda ka socotay ee xarunta gobolka Banaadir ka sheegay.
- Madaxweynaha Iiraan iyo wasiirkiisa Arrimaha Dibadda oo shil diyaaradeed ku geeriyooday
- Olole lagu tallaalayo xoolaha oo ka billowday Soomaaliya(SAWIRRO)
- Taliska qeybta Booliska gobolka Baay oo Amaro dul dhigay shacabka Degmada Berdaalle.
- Jaamacadda Carabta oo markale si weyn u garab-istaagtay Soomaaliya (Maxaa cusub)
Wuxuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ‘‘Dad xildhibaanno ah oo odayaal ah oo dalkan xilal ka soo qabtay ayaa baaqyo la akhrin waayay oo kii madashiiba ka badan soo saaray‘‘.
Wuxuu intaasi raaciyay, inay ka go’an tahay xukuumadda inay horey u socoto, dalkana ay gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah.
Go’aannadii ka soo baxay shirkii golaha wadatashiga qaranka ayaa waxaa ka horyimid maamulka Puntland iyo mucaaradka DF Soomaaliya.
CodkaKoonfurGalbeed.com