Home » Wasaaradda Waxbarashada KGS oo magaalada Baydhabo ka dah furtay Imtixaanka Shahaadiga sanad dugsiyeedka 2023-2024(SAWIRRO)

Wasaaradda Waxbarashada KGS oo magaalada Baydhabo ka dah furtay Imtixaanka Shahaadiga sanad dugsiyeedka 2023-2024(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay ayaa waxaa maanta si toos ah ugu furmay imtixaanka shahaadiga sanad dugsiyeedka 2023-2024 kaasi oo qadaysa wasaaradda waxbarashada dowladda faderaalka soomaaliya.

Ardada koonfur galbeed soomaaliya sanadkaan imtixaanka u fadhiisatay ayaa waxay yihiin 5158 kuwaasi oo ay ku kala galayaan gobolada Baay. Bakool iyo Sh/hoose.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada dowlad goboleedka koonfur galbeed Ibraahim Aadan Cali iyo mas’uulin kale oo ka tirsan DFS ayaa si toos ah warqadaha imtixaanaadka u qeybiyay ardada imtixaanka u fadhiisatay maant.

Wasiir Ibraahim Aadan oo lahadlay ardada ayaa kula dar daaramay in ay sifiican ay uga shaqeyaan imtixaanka kaasi oo uga rajeeyay in ay ka galaan kaalmaha sare.

“Maanta waxaad joogtaan halkii ugu dambeysay dugsiga sare oo maanta u fadhidaan imtixaankiisa, waxaa la idinka rabaa inaad ku dadashaan sidii kaalmaha hore uga soo bixi lahedeen’

goobaha loogu fadhiistay imtixanaadka maanta ayaa waxaa lagu arkaayay ilaaliyaal kuwaasi oo ardada ka ilaalinayeen in ay sameyaan qish iyo waxyaabo kale.

Sidoo kale Imtixaanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa laamaha amniga gaar ahaan Booliska kuwaasi oo amniga goobaha lagu galaayay imtixaanka sugayeen.


Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com