Baydhabo (CKG)- Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed ayaa boggaadisey Howlgalada ka dhanka ah Degaalamiyaasha Al Shabaab ee ka socda qeybo kamid ah Koonfur Galbeed.
war qoraal ah oo goordhow uu soo saarey Wasiirka Warfaafinta ayaa Koonfur Galbeed Mudane Abdifatah Cali Yuusuf lagu yiri” Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed iyadoo ku hadlayso afka dowlada waxay boggaadineysa guushi ay ka gaareen ciidamada Xogga dalka qeybta 60-aad iyo kuwa Daraawishta ee ku sugan fidhiisamaha duleedka Magaalada Baydhabo gaar ahaan deegaanka Mukuudo oo iska caabiyey isku deygii Al shabaab ay ku doonayeen inay ku qabsadaan saldhig ciidan.
Qoraalkan uu soo saarey Wasiirka ayaa ku soo aadaga xili habeenkii xalay ahaa wareer dhowr jaho ah ay ku soo qaadeen Al Shabaab Magaalada Baydhabo balse ciidamadu ay iska caabiyeen.
- CodkaKoonfurGalbeed.Com