Wanlaweyn(CKG)-Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta bulshada dowlada KGS mudane Cabdifataax Cali Yuusuf iyo xubnaha wefdigiisa oo weli ku sugan degmada wanlaweyn ayaa kulan kale oo la xiriira kii shalay looga hadlayey arimaha wacyigelinta ka dhanka ah kooxda al-shabaab u qabtey odey dhaqameedyada, siyaasiinta, dhalinyarada, iyo haweenka degmadaasi.
Qaar kamida xubnaha ka qeyb qaatey kulanka ayaa siweyn u soo dhoweeyey dadaalka madaxda warfaafinta KGS ay ku bixinayaan sidii ay u badbaadin lahaayeen mustaqbalka dhalinta soomaaliyeed.
Lataliyaha madaxweynaha dhanka warfaafinta Prof Maxamed Sheikh Cabdulaahi (Xayow) iyo wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta bulshada dowlada KGS mudane Cabdifataax Cali Yuusuf ayaa gebagebadii kulanka ka hadlay.
Qeybaha kala duwan bulshada reer wanlaweyn iyo maamul kooda ayaa siweyn ugu faraxsan imaatanka xubnahaan wefdigaan magaalada wanlaweyn iyagoona si goona ugaga hadlay xaalada degmada iyo halka ay wax u marayaan.
Codkakoonfurgalbeed.com