Baydhabo (CKG)- Iskuduwaha Arrimaha Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Mudane Mohamed Yusuf Mohamed ayaa Maanta Kulan miro dhal ah la qaatay Masuuliyiinta Xafiiska Ururka Iskaashiga islaamka (OIC) ee Soomaaliya
Iskuduwaha oo maal mahaan waday dar dar gelinta howlaha shaqo ee xafiiskiisa iyo gaarsiinta xogaha barakacaasha iyo danyarta u baahan gargaarka iyo garab istaagga ee ku soo barakacay Gobolka Shabeelaha Hoose, xafiisyada Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah si loo dardargaliyo gargaarka ay u baahanyihiin.
Ku xigeenka Wakiilka Somalia Ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Mudane: Eng Abdalla Ali ayaa isuduwaha kusoo dhaweeyay xafiiskiisa iyagoo si wayn u lafaguray xaaladda bani’aadanimo ee kajirta gobolka shabeelada hoose iyo sida wax looga qaban karro.
Ururka iskaashiga islaamka ayaa waxaa uu Soomaaliya ka garab siiyaa dhinacyo kala duwan, ayadoo uu iskuduwaha usoo ban dhigay baahiyaha kajira gobolka ee dhanka Gargaarka iyo udiyaar garawga ka hortagidda Fatahaadaha laga cabsi qabo.
Xafiiska iskuduwaha iyo Xafiiska OIC ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay wax ka qabashada xaaladaha kajira Gobolka Shabeelada Hoose oo ka mid ah goobaha ay inta badan soo gaaraan barakacayaasha.
Iskuduwaha ayaa ugu damabayn ugu mahad celiyay kuxigenka Wakiilka OIC ee Soomaaliya Eng Cabdalla Cali shaqada wanaagsan ee ay uhaayan bulshada Soomaaliyeed, iyo Reer koonfurgalbedba si gaar ahna Gobolka Shabeelaha Hoose asagoona ku bogaadiyay inay sii xoojiyaan shaqada ay bulshada uhaayan.
Codkakoonfurgalbeed.com