Budbud (CKG)- Wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya ayaa sheegtay inay kala wareegtay Al Shabaab Deegaanka Budbud ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya kuwaasi oo muddooyinkii dambe ciidamada Dowlada oo kaashanaya Xoogaga deegaanka ay wadeen howlgalo ka dhan Maleshiyadda Al Shabaab.
deegaanada shabaab laga saarey waxaa ay kala yihiin Ceel Ahmed, Ceel Sabansableele, Ceel-cali xasan iyo deegaanka Budbud oo ugu dambeysay saaka ciidamadu ay la wareegeen waana goob muhiim u ah Al shabaab oo 10 sanno ee u dambeysay ay maamulayeen.
Budbud waa tuulo weyn oo degmo u dhiganta dad badana ay ku noolyihiin maanta waxay gacanta ugu jirta oo saaka la wareegay Ciidamada Dowlada Soomaaliya kuwa Daraawishta Galmudug oo kaashanaya Ciidanka Deegaanka waana dharbaaxo horudhac ah oo ciidamadu ay gaarsiiyeen Cadowga ayuu yiri” afyeenka Wasaaradda Gaashandhiga.
Codkakoonfurgalbeed.com