Wednesday, February 28, 2024
More

    Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Laba Milyan oo carruur ah ka tallaalaysa cudurka Dabeysha +(SAWIRRO)

    Muqdisho (CKG) – Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Caafimaadka HE Dr. Maryama Maxamed Xuseen, ayaa Sabtida maanta ah daah furtay Barnaaamijka Derdergelinta Dadaallada Ciribtirks Cudurka Dabaysha.

    Inta uu socdo wajiga 1aad ee Ololahaan waxaan talaal lagaarsiin doonaa ilaa tiro dhan 2,500,000 oo Carruur ah, kuwaas oo ku nool deeganada ilaa 11 Gobol oo dalka ah.

    Wasiiru Dowllaha,ayaa sheegtay in cudurkani uu beegsado dhallaanka yar oo ah udub dhaxaadka bulshada iyo mustaqbalka Soomaaliya.

    Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Caafimaadka HE Dr. Maryama Maxamed Xuseen

    ” Cudurka Ilaa hadda, 31 carruur ah oo aan waxba galabsan ayaa u naafoobay fayraska dabaysha. taas macnaheedu waa in ugu yaraan 31 qoys oo bulshadeenna ah ay la dhibaatoonayaan la tacaalidda masiibada carruurtooda ku habsatay (curyaamid joogta ah), iyadoo la heli karo tallaal waxtar leh oo ka hortagi kara cudurkan haddii carruurta loo dhameestiro tallaalka uu ubaahanyahay.”

    Wasaaradda Caafimaadka oo gacan ka heleysa Hay’adaha Caalamiga ah, ayaa tallaalka iyo saadka kale u diyaarisay si tallaalka loo gaarsiiyo dhammaan carruurta Soomaaliyeed marka laga soo tago dadaallada tallaalka loogu keenayo qoysaska guryahooda jooga xilliyada ololaha tallaalka.

    Waa inay jirto mas’uuliyad oo dhinaca qoysaska ah si loo hubiyo in carruurtooda la tallaalo ma aha oo kaliya inta lagu jiro ololaha laakiin sidoo kale inay carruurtooda geeyaan xarumaha caafimaadka si ay u qaataan tallaalada kale ee muhiimka u ah caruurta ee aan ahayn tallaalka dabaysha.

    Soomaaliya waxay khibrad aad u wanaagsan u leedahay ciribtirka cudurka furuqa, ciribtirka fayraska dabeysha duurjoogta ah ee P1 waxayna xakameysay dillaacii hore ee cVDPV3. Aqoonta, khibradaha iyo agabka ayaa diyaar ah si loo joojiyo cudurka dabaysha ee hadda socda.

    Waxa ugu muhiimsan waa in la sii xoojiyo iskaashiga Dowladda iyo Hay’adaha oo ay qaadaan tallabooyin mideysan. Soomaaliya waxa ay la timid qorshe cusub oo degdeg ah kaas oo looga faa’iidaysanayo in lagu taageero dadaallada kor loogu qaadayo xasaanadda carruurta laguna xoojinayo la socodka cudurka dabeysha. Istaraatiijiyadani waxay awood u yeelan doontaa inay xakamayso dillaaca dabaysha hal mar oo dhan. Haddii aynaan hadda wax ka qaban xaaladan dhammaan dadaallada waxay noqon doonaan kuwo aan qiimo lahayn.

    Waxaa rajadaydu tahay in dhammaan daneeyayaasha oo ay ku jiraan qoysasku ay u guntadaan xakameynta dabaysha oo ay badbaadiyaan carruurta. Fariintaydu waa in aad gacmaha isqabsataan oo aad joojisaan xanuunkaan hadda.

    CodkaKoonfurGalbeed.com

    WARARKA LA XIRIIRA

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    KU BIIR ASXAABTA BARTA FACEBOOGEENA

    LATEST HEADLINES

    Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com