Home » Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed Oo Xustay Maalinta Umulisooyinka (SAWIRRO)

Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed Oo Xustay Maalinta Umulisooyinka (SAWIRRO)

by Mohamed Adam Socdaal

Baydhabo (CKG)- Wasaarada Caafimaadka Dowladda KG ayaa maanta ku qabatay Magaalada Baydhabo munaasabad lagu xusay maalinta Caalamiga ah ee Umulisada Adduunka (International Day of the Midwife 2023).

Xaflada oo ka dhacday Dugsiga Tababarka Umulisada ee Baydhabo waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Caafimaadka Dowlada KGS, xubno ka socday Ururka Umulisooyinka Soomaaliyeed, bahda Caafimaadka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Marti sharaftii ka soo qeybgashay munaasibada ayaa madasha ka soo jeediyay khudbado taabanaya kaalinta ay umulisada ugu jirto bulshada.

Madaxa caafimaadka taranka iyo dhalmada ee Wasaaradda Caafimaadka Maaliya Malaaq Isaaq ayaa madasha ka sheegtay dhibaatooyinka ay la kulmaan haweenka xiliga dhalmada iyo sidoo kale dhimashada iyo daryeel la’aanta soo waajahda Hooyada xiliga Uurka iyo Foosha.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka Naciimo Axmed Cadow ayaa bogaadisay dadaalka adag ee umulisooyinka ay ugu jiraan badbaadinta hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed.

Sannad waliba, 5-ta May waxaa dunida oo idil laga xusaa maalinta caalamiga ah ee Umulisada, si sare loogu qaado wacyiga dadweynaha ee ku aadan kaalinta umulisada ee wax u qabashada Hooyada yo Dhallaanka.

Halku dhiga xuska Maalinta Caalamiga ah ee Umulisada ee sannadkan 2023 waxaa loo xushay inuu noqdo “Wadajir mar kale laga soo bilaabo cadeyn ilaa xaqiiqda” (TOGETHER AGAIN FROM EVIDENCE TO REALITY).

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com