BAYDHABO(CKG)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka DKGS mudane Dr. Ibrahim Adam Cali oo fulinaya balanqaadkii Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka mudane Maxamed Cusmaan Xaaji Cabdi Jiidow ayaa xafiiska Wasaaradda ku soo dhaweeyay Sheikh Yuusuf Maxamed Xaaji oo ka mid noqday shaqaala weynaha Wasaaradda Caafimaadka DKGS.
Munaasabad kooban oo ka dhacday xafiiska Wasaaradda ayaa Agaasimaha Guud oo uu weheliyo Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Shaqaalaha si wadajir ah u gudoonsiyeen mudane Yuusuf Maxamed Xaaji warqadda shaqaaleysiinta iyo kaarka aqoonsiga shaqaalanimo, isagoo maray dhammaan habraacyada shaqaale ee Xafiiska Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka DKGS.
Sheikh Yusuf Maxamed oo madasha ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha DKGS, mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka sida ay uga danqadeen daruuftiisa nololeed, isagoo balanqaaday in sida ay tahay u gudan doono waajibaadka shaqo iyo doorka kaga aadan howlaha Wasaaradda Caafimaadka DKGS.