Home » Wasaaradda Caafimaadka ee DFS oo diyaarisay qorshe looga hortagayo cudurka Qaaxada (SAWIRRO)

Wasaaradda Caafimaadka ee DFS oo diyaarisay qorshe looga hortagayo cudurka Qaaxada (SAWIRRO)

by CKG Editor

Muqdisho (CKG) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda gaar ahaan qaybta mashruuca xakamaynta cudurka Qaaxada ayaa Axaddii maanta qabatay xuska Maalinta Qaaxada Adduunka, oo la xuso 24-ka Maarso sannad kasta.

Ujeedka xuskan ayaa ah in la kordhiyo wacyigalinta ku aadan Caafimaad daradda dhibaatooyinka bulsho iyo dhaqaale ee cudurka Qaaxada iyo in la kordhiyo dadaallada looga hortagayo faafitaanka cudurka. Halku dhigga sanadkaan ayaa ahaa ‘Haa waan joojin karnaa Qaaxada.

Munaasbaadda waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Dr Cali Xaaji Aadan oo uu wehliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Dr-Maxamed Xasan Maxamed Bulaale sidoo kale Agaasimaha Waxaada Caafimaadka, Qaybo ka mid ah Madaxda mashaariicda Wasaradda iyo Madaxa kale oo ka socatay Hay’addaha taageera Caafimaadka Soomaaliya, gaar ahaan hay’adda World Vision oo si gooni ah u taageerta mashruuca Qaaxada ee Wasaradda, WHO, iyo ururada Bulshada.

Wasiirka Caafimaadka oo ka hadlay munsaabadda ayaa sheegay in Wasaradda Caafimaadka ay diyaarisay qorsha dhab ah oo lagu xakamaynaayo cudurka qaaxada kaas oo noqon doono mid la gaarsiiyo dhammaan Wadanka oo dhan.

Wasaradda Caafimaadka ayaa ku diyaarsiay dhammaan goobaha xarumaha Caafimaadka adeegga Daryeelka qaxaada, kaasoo oo ah mid bilaash ah.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com