Muqdisho (CKG)– Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Wasiir Abdinasir Abdi Arush iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin, Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Dowlad Goboleedyada Hirshabelle, Galmudug, Jubbaland iyo ayaa kulan la qaatay Deeq bixiyeyaasha Soomaaliya ee Arrimaha Gargaarka ka shaqeeya.
Kulankan ayaa looga hadlay:-
– Sii xoojinta arimaha wada shaqaynta ee deeq bixiyaasha, hay’adaha ka shaqeeya arimaha binia adanimada iyo dowladda Soomaaliya.
– Hubinta tayeynta howlaha ka jawaabidda xaaladaha bini áadannimo ee Soomaaliya
– Tayeynta hay’adaha ka shaqeeya maaraynta masibooyinka heerarka kaladuwan ee dowladda Soomaaliya
– Diyaarinta mashaariic kor loogu qaadaayo u adkeesiga aafooyinka ka dhaca dalka.
Ugu danbeen, Wasiir Abdinasir Abdi Arush ayaa u mahadceliyay deeq bixiyaasha una balan qaaday in dowladda Soomaaliya u fududaynayso fulinta mashaariicda arimaha gargaaka bini aadannimo
Codkakoonfurgalbeed.com