Muqdisho (CKG) – Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa kadib howlgal ay sameeyeen waxaa ay ku guuleysteen inay burburiyaan Goob lagu farsameeynayay waxyaabaha maanka dooriya sigaar ah calaqa, taas oo ku taalla Waaxda Cirfiid degmada Hiliwaa ee Gobolkan Banaadir.
Sarakiisha Ciidamada Booliska ayaa sheegay inay goobtan aheyd meel weyn oo lagu sameeynayay Calaqa, si loogu iibgeeyo qeybaha kale ee Magaalada Muqdisho, isla markaana ay ka shaqeeynayeen Dhallinyaro aad u badan.
Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha gobolka Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale, Maamulka degmada Hiliwaa, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir iyo taliska qeybta Bari ee Booliska Gobolka ayaa ku sugnaa Goobta lagu burburinayay Maandooriyaha Calaqa oo caaga waaweyn kujiray.
Duqa Muqdisho Madaale, ayaa sheegay in Maandooriyaha uu yahay mid aan u wanaagsaneyn mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed, isagoona si cad u sheegay inay la dagaalami doonaan Goobaha lagu kariyo Maandoriyaha iyo Hoteelada lagu isticmaalo.
CodkaKoonfurGalbeed.com