Home » WARIYE ISKA JIR WARARKA AY BIXIYAAN MID KA MID AH ILAHA WARARKA(AQRISO)

WARIYE ISKA JIR WARARKA AY BIXIYAAN MID KA MID AH ILAHA WARARKA(AQRISO)

by Weriye Ateera

Saxaafadu dadka waxay u soo gudbisaa warar ay ka hesho, wax ay saxaafaddu ugu yeerto, ilaha wararka. Ilahaas wararka ayaa loo qeybiyaa laba qeybood: physical Sources iyo Human sources.

Physical sources-ka waxaa ka mid ah dokumentiyada kala duwan. Ha ahaadeen kuwa diiwaanka, war-saxaafadeedka, kuwa tixraaca, IWM.

 

Human sources-ka waxaa ka mid ah dadka mas’uuliyiinta ah ama soo ahaa iyo dadka caadiga ah ee goob joog u ahaa dhacdo dhaceysay oo ay sheegi karaan waxa ay arkayeen.

 

Waxaa soo raaca dad kale oo dheeraad ah oo ayagana wax laga weydiiyo arimaha taagan, kuwaas oo saxaafaddu ay ugu yeedho khabiirka. Kooxdan ayaa ayagu wax laga weydiiyaa arinta dhacdey ama taagan fasirkeeda, laakiin waxa ay noo sheegayaan waa feker ay ku saleeyeen aqoontooda iyo waayo aragnimadooda ee maaha wax xaqiiq ah ee waa falanqeyn un.

 

Lakiin qolada ay tahay in saxaafaddu ay ka taxadarto wararka ay bixiyaan ama ay sheegaan waa kuwa loo yaqaano Authorities: Wargalka xilalka haya ama horey u soo qabtey. Qolodan waxaa ay saxaafadda u soo gudbiyaan waxa ayaga danta u ah ama farxad gelinaya marki arimaha laga wareysanayo ay yihiin kuwo dood xoogani ka taagan tahay. Sidoo kale waxaa la sheegaa in ay jiri karaan waxyaabo ay u arkaan in ay shacabka ka daboolaan.

 

Waxaa intaas dheer, in warbaahinta ay la wadaagaan waxyaabo ay isleeyihiin wariyaha wardoonka ahi ama hay’adda warbaahineed ee uu ka socdaa war waa u noqon karaan ayaga oo ku dabaqaya dantooda.

 

Sidaasi daraadeed, saxafaddu maadaama ay tahay indhaha shacabka iyo baadigoobaha xogaha danta ugu jirta muwaadiniinta, waa in aanay ku kadsoomin wax kasta oo loo sheego_in aanay rumeyn ama beenin midna. Kaalintooda un waa soo gudbinta labada daraf ee is-haya wararkooda, ayada oo waliba la sameynayo baaritaan gun dheer. Marwalbaa saxaafaddu waa in ay sugtaa dhexdhexaadnimada oo aanay dabeysha socotaa salfanin.

Codkakoonfurgalbeed.com

W/Q: Mohamed Hussein “New York”

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com