Home » Wararkii ugu danbeeyey ee dagaalka ka socda dalka Sudan

Wararkii ugu danbeeyey ee dagaalka ka socda dalka Sudan

by Mohamed Adam Socdaal

Khartuum (CKG)- Kooxaha militariga ee iska soo horjeeda ee Suudaan, ayaa ku dhawaaqay xabbad joojin cusub oo saddex maalmood ah, balse ma muujin wax saan saan ah oo ay ku joojinayaan dagaalka ay ku doonayaan inay ku qabsadaan magaalada caasimadda u ah dalka Sudan ee Khartuum.

Ururada Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD, ayaa si wadajir ah u soo saarey bayaan ay kaga digayaan Dadka reer Sudan iney ugu baahi badan yihiin haatan xabbad joojin, si hawlaha gargaarka bini’aadantinimo loo gaarsiiyo shacabka.

Waxay sheegeen hey’adaha in waqtiga lagu kordhiyey xabad joojinta ee dheeraadka ah, ay horseedayso in joogsadaan colaadaha.

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD, ayaa ku booriyay dhinacyada isku haya Suudaan inay ka feejignaadaan weerarrada aan loo meel dayin ee lagu qaadayo goobaha ay dadku ku badan yihiin, ayna u hoggaan samaan shuruucda caalamiga ah.

Codsigan ayaa imaanaya iyadoo malaayiin qof oo ku nool magaalada Khartuum ay gabaad ka dhiganayaan guryahooda, iyadoo ciidamada xoogga dalka wata iyo kuwa sida deg degga ah u hawl gala ee ”RSF” ay ku dagaalamayaan gacan ku haynta magaalada Khartuum.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com