Home » Wararkii Ugu Danbeeyay Madaxweynaha Turkiga Oo Xaalad Caafimaad lasoo Daristay

Wararkii Ugu Danbeeyay Madaxweynaha Turkiga Oo Xaalad Caafimaad lasoo Daristay

by Mohamed Adam Socdaal

Ankara (CKG)- Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa baajiyey isu soo baxyo olole doorasho, oo uu qaban lahaa Arbacadii iyo Khamiista maanta ah, sababo caafimaad dartood, toddobaadyo kahor doorashada madaxweyne iyo tan baarlamaan ee 14-ka May.

Erdogan ayaa goor dambe oo maalintii Talaadadii aheyd wuxuu soo gaabiyey wareysi TV, kaasi oo intii uu socday uu sheegay inuu dareemayo calool xanuun.

Saacado kadib, Erkan Kandemir oo ah madaxweynaha ku-xigeenka Xisbiga AKP ayaa ku dhowaaqay in Erdogan uu sidoo kale baajiyey barnaamijyadii Khamiista.

Waxaa lagu waday inuu xariga ka jiro furitaanka warshadda Nukliyeerka ee Akkuyu ee gobolka Koonfureed ee Mersin. Furitaanka warshadda oo ay dhiseen Ruushka, ayaa lagu waday inay noqoto mid ka mid ah dhacdooyinka ugu weyn ee ololaha doorasho ee madaxweyne Erdogan.

Madaxweyne Erdogan ayaa waday olole doorasho oo aan kala joogsi lahayn, si uu beddelo hoos u dhac ku yimid aragtida ay ka qabaan shacabka, sida ay muujiyeen codadka ra’yiga dadweynaha.

Doorashada dhaceysa 14-ka May ayaa ah tii ugu adkeyd ee soo marta Erdogan oo xukunka hayey in ka badan 20 sano, isaga oo ah ra’iisul wasaare ama madaxweyne, xilli sare u kac uu ku yimid qiimaha maciishadda.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com