Wednesday, February 28, 2024
More

    Wararkii ugu dambeyay dagaal ka dhacay G/Gedo & Ciidamada Jubbaland oo degaano la wareegay

    Girileey(CKG)-Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal markale Ciidamada daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ku dhexmaray degaanka Girileey ee Gobolka Gedo.

    Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ay xalay weerareen degaanka Girileey oo gelinkii hore ee shalay ay la wareegeen Al-Shabaab oo weerar xooganaa ku qaaday.

    Goobjoogayaal ayaa sheegeen in Ciidamada daraawiishta Jubbaland ay u suurto gashay inay dib ula wareegaan degaanka, isla markaana uu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka.

    Saraakiil katirsan Ciidamada Jubbaland ayaa dhankooda Warbaahinta u sheegay in ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen weerarkii ay kusoo qaadeen Al-Shabaab, haatana ay gacanta ku hayaan degaanka Girileey kana wadaan howlgallo xoogan oo ammaanka lagu xaqiijinayo.

    Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay sheegeen inay sii socon doonaan howlgallada si ay uga hortagaan weerarada ay Al-Shabaab kusoo qaadaan degaanka Girileey oo muhiim u ah isku socodka Gobolada, Gedo iyo Jubbooyinka.

    Dhawaan ciidamada Kenya oo kamid ah howlgalka ATMIS ayaa ka guuray degaanka Girileey, iyaga oo ku wareejiyay Ciidamada Jubbaland, hayeeshee tiro laba jeer ah ay weerareen Al-Shabaab.

    Codkakoonfurgalbeed.com

    WARARKA LA XIRIIRA

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    KU BIIR ASXAABTA BARTA FACEBOOGEENA

    LATEST HEADLINES

    Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com