Wednesday, February 28, 2024
More

    Wararkii ugu dambeeyay Xiisad dagaal oo ka Taagan duleedka Magaalada Laascaanood

    Laascaanood(CKG)-Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in Xiisad dagaal ay ka taagan tahay duleedka Magaaladaas .

    Ciidamada Soomaalilaand iyo kuwa SSC ayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo iska soo horjeeda ka bilaabay Fariisimaha ay isku horfadhiyaan ee duleedka Magaalada Laascaanood.

    Warar ayaa sheegaya in Ciidamada Soomaaliland ay soo gaareen Ciidamo Gurmad ah kuwaas oo ka qayb qaadanaayaa dagaalka Laascaanood .

    Hase yeeshee ‘ dagaalkii 27kii bishan juun ka dhacay duleedyada Magaalada Laascaanood ee dhexmaray Ciidamada SSC iyo Ciidanka Militarigaa Soomaliland ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac aah oo soo kala gaaray dhinacdada dagaalamaya

    Magaalada laas-Caanood iyo degaannada hoostaga ayaa waxaa weli ka jira Xiisaad dagaal oo u dhexeysa Ciidamada Somaliland iyo kuwa xoogagga degaanka ee la magac baxay SSC, iyada oo aan weli xal loo helin dagaaladaas.

    Codkakoonfurgalbeed.com

    WARARKA LA XIRIIRA

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    KU BIIR ASXAABTA BARTA FACEBOOGEENA

    LATEST HEADLINES

    Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com