Home » Wararkii ugu dambeeyay QARAXYO xalay ka dhacay Baydhaba

Wararkii ugu dambeeyay QARAXYO xalay ka dhacay Baydhaba

by Weriye Ateera

BAydhabo(CKG)-Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo xalay ka dhacay gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo ay ka dambeeyeen Al-Shabaab.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa waxaa lagu weeraray guryo ay magaaladaasi ka dagan yihiib mas’uuliyiin ka tirsan maamulka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas.

Weerarka koowaad ee qaraxa ah ayaa waxaa lagu qaaday hoy uu dagan yahay sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Koonfur Galbeed, kaas oo magaciisa lagu sheegay Kuuroow Amxaar, waxaana kadib xigay ka hortag ay sameeyeen ciidamada ammaanka.

Sidoo kale waxaa qaraxa labaad lagu weeraray guriga wasiirkii hore ee warfaafinta Koonfur Galbeer Ilyaas Cali Nuur oo haatan ah agaasimaha xarunta Tubsan ee maamulkaasi.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadan oo ay mas’uuliyaddooda ay sheegteen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale ciidamada ammaanka Koonfur Galbeed ayaa saaka baaritaano dheeraad ah ka wada Baydhaba, si gacanta loogu soo dhigo kooxihii ka dambeeyay weeraradaasi.

COdkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com