Home » Wararkii ugu dambeeyay madaafiic lagu garaacay magaalada Laascaanood

Wararkii ugu dambeeyay madaafiic lagu garaacay magaalada Laascaanood

by Mohamed Adam Socdaal

Laascanood (CKG)- Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo markale maanta dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyo ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Dagaalka oo soo billowday aroortii hore ee saaka ayaa socda illaa iyo hadda, waxayna labada dhinac ku dagaalamayaan aagga buurta Hodan ee galbeedka magaalada Laascaanood.

Wararka ayaa sheegaya in dgaaalka ay soo qaadeen ciidamada Somaliland, waxayna kadib iska caabin kala kulmeen ciidamada SSC ee haatan gacanta ku haya magaaladaasi.

Dagaalka waxaa sidoo kale barbar socda madaafiic la sheegay in ciidanka Somaliland ay ku garaacayaan bartamaha Laascaanood, taas oo sii adkeyneysa xaaladda ka jirta halkaasi.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka haatan ka socda magaaladaasi, waxayna weli labada dhinac oo helaya gurmadyo, waxayna sidoo kale isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Mid kamid ah saraakiisha ciidanka SSC oo la hadlay CodkaKoonfurGalbeed.Com ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee Laascaanood, wuxuuna sheegay in haatan ay ku socota madaafiic ka imaaneysa dhanka xerada Qoojacadde.

Si kastaba, dagaalka ka socda xarunta gobolka Sool ee magaalada Laascaanood ayaa galay bishii labaad xiriir ah, balse xaaladda daganeyd labadii todobaad ee la soo dhaaafay.

Dhanka kale labada dhinac ayaa ka weli diidan dadaallada lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisaddaas, waxaana fashilmay dhowr isku day oo la sameeyay, kadib markii ay labada garab-ba ay ka dhaga fureysteen baaqyada nabadda ee loo dirayo, si wadahadal loogu dhammeeyo arrinta magaalada Laascaanood, loona joojiyo dhiigga weli ku daadanaya magaaladaasi.

CodkaKoonfurGalbeed.Com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com