Home » Wararkii ugu dambeeyay & Howlgallo culus oo lagu baacsanayo Al-Shabaab oo laga fulay G/J/Hoose

Wararkii ugu dambeeyay & Howlgallo culus oo lagu baacsanayo Al-Shabaab oo laga fulay G/J/Hoose

by CKG Editor

J/Hoose (CKG) – Ciidamada Xoogga dalka ee Danab, Nabad sugidda iyo daraawiishta Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo culus oo lagu baacsaday argagixisada Al-Shabaab ka fuliyey deegaano badan oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa intii ay howlgalkaas ku jireen waxay burburiyeen goobo ay ku dhuumaaleysa jirtay Al-Shabaab iyo qaraxyo miinooyin ah oo shacabka adeegsada waddooyinka ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan.

Deegaannada ay ciidamadu ku baacsadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa kala ah, Qalawlaha, Falaqaay, Reebaay, Fantooley, Harboole, Qumbi, Miidow, Shuufa, Habeedley, Cag-libaax iyo deegaanno kale dhamaantood ka tirsan Jubbada Hoose.

Howlgalan ayaa waxa uu saameeyey dhul dhan 120 KM, sida ay saraakiishu u sheegeen warbaahinta.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com