Home » Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo dib uga qarxay gobolka Mudug.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo dib uga qarxay gobolka Mudug.

by Weriye Ateera

Gaalkacyo (CKG) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka uu dib uga qarxay dagaal u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed, kaas oo hadda ka socda galbeedka gobolkaasi.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa ka qarxay deegaanka lagu magacaabo Maygaagta, waxaana uu u dhexeeyaa laba beelood oo isku haysta dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi.

Labada dhinac oo horay ugu dagaalamay aaggan ayaa mar kale saaka is-farasaaray, kadib gurmadyo ay heleen, waxaana dagaalka la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamullada Galmudug iyo Puntland oo ku aadan dagaalkaasi oo u dhexeeyo laba beelood oo kasoo kala jeeda maamulladaasi.

Gobollada dhexe waxaa ka socda dagaal beeleedyo kala duwan, kuwaas oo gaystay khasaare aad u xoogan, kuwaas oo ka qarxay meelo kala duwan oo kamid ah gobolladaasi.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com