QANSAX-DHARE(CKG)-Wararka Warbaahinta Codkakoonfurgalbeed.com ka helayso degmada Qansax Dheere ee gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in labo qarxa oo kuwa meelaha fog fog laga xukumo in ay ka dhaceen degmadaasi.
Qaraxa koowaad ayaa dhacay habeen taariiqdu ay aheyd 24/07/2024 kaasi oo lagu aasay gaarin horyaalay meel u kala dhow xarunta ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin degmada iyo xarunta maamulka degmada Qansax Dheere.
Midka labada ee qaraxa ayaa waxaa uu dhacay shalay subixii ayadoo ciidamada ATMIS kuwa Miimo baarista ay barayaan qaraxyo kale ayaa ku qaraxday waxaana ku dhintay labo kamid ah ciidamada helka labo kale dhaawac ay ka soo gaareen.
Maalmihii la soo dhaafay amniga degmada Qansax Dheere ayaa mid adag kaasi oo hergan galiyay ciidamada kala duwan ee ku sugan degmada.
Degmada Qansax Dheere ayaa waxaa kamid ah kuwa wadooyinkooda xiran ayadoo deres la tahay degmooyinka Berdaalle iyo Diinsoor waxaana isla degmooyinkaasi ku sugan yihiin ciidamada Xoogga dalka soomaaliyeed kuwa maamulka KGS iyo ciidamada ATMIS.
Dad ku sugan degmada oo magacooda codsaday in warbaahinta laga sheegay ayaa sheegay in xaaladda degmada ay tahay mid adag xitaa aan jirin Duulamaadyadii imaan jiray degmada Qansax Dheere.
Warbixino intaasi ka sii Dheere halkaan kala soco good dhow I.a.
Codkakoonfurgalbeed.com