Baydhabo (CKG)- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa booqasho ku yimid magaalada Baydhabo waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay ku-simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Marwo Shamso Maxamed Yarow, Wasiirka Gargaarka, Wasiirka Dekadaha, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Guddoomiyaha Degmada Baydhabo iyo masuuliyiin kale.
Mr Guterres ayaa booqashadiisa la xiriirta Arrimaha bani’aadanimada iyo taageerida howlgalka ay hoggaamineyso dowladda Federaalka ee la dagaalanka Al-Shabaab.
Antonio ayaa booqdey Kaamamka Barakacyaasha Baydhabo isagoona u kuurgalay Xaalada Bani’aadinimo ee ka jirta Deegaanada Koonfur Galbeed.
Codkakoonfurgalbeed.com