Baydhabo (CKG)- Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Safar shaqo ugu maqnaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku-meel gaarka uah Dowlada Koonfur Galbeed.
Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud ee Magaalada Baydhabo Wafdiga Madaxweynaha waxaa kuso dhoweyey Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Marwo Shamsa Maxamed Yarow, Wasiiro,Xildhibaano, Gudoomiyaasha Degmooyinka iyo Gobolada Koonfur Galbeed iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa muqdisho kulamo kala duwan kula soo qaatay Madaxda dalka iyo safiiradda dowladaha taagyeera soomaaliya.
Codkakoonfurgalbeed.com