Home » Wafdi Uu Hoggaaminaayo Agaasimaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Iyo Hay’adda UNDP Oo Gaarey Degmada Xudur (SAWIRRO)

Wafdi Uu Hoggaaminaayo Agaasimaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Iyo Hay’adda UNDP Oo Gaarey Degmada Xudur (SAWIRRO)

by Mohamed Adam Socdaal

Wafdi uu hogaaminaayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Dowladaha Hoose Iyo Dib-U-Heshiisiinta KGS oo lasocdeen Guddoomiyaha Degmada Xudur Cumar Cabdulaahi Maxamuud,La-taliyaal kasocdey Xafiiska Madaxweynaha iyo Madaxda uga saraysay Hay’adda UNDP ayaa maanta gaarey magaalada Xudur ee xaruunta Gobolka Bakool.

Ujeedada Safarka Wefdiga ayaa isugu jiray, kormeereen goobo muhiim ah oo qaarkood u baahan in dib u dayactir iyo Dib u dhis ay ku sameeyso Hay’adda UNDP, iyo goobo hadda shaqeynaayo, waxaa kamid ah goobahaas.

1. Dugsi sare ee Bakool
2. Xaruunta korontada Degmada.
3. Saldhiga Booliiska, xaruunta Asluubta iyo xabsiga dhexe.
4. Xafiiska Haweenka
5. Isbitaalka Guud ee Gobolka Bakool
6. Xaruunta cusub ee maamulka Degmada Xudur.

Degmada Xudur oo kamid ah degmooyinka ay go’doomiyeen Al shabaab waxaa muddooyinkan dambe ka socdey horumaro wallow ay dhanka cirka oo keliya ay u furan tahay.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com