Home » Wafdi uu Hogaaminayo Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose oo Gaaray Deegaanka Lambar Konton(SAWIRRO)

Wafdi uu Hogaaminayo Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose oo Gaaray Deegaanka Lambar Konton(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Lambar konton(CKG)-Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Maxamed Ibraahim Barre iyo Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji oo ka tirsan golaha shacabka Maxamed Barre ayaa deegaanka Lambar konton ee gobolka Sh/Hoose ayaa Degaanka Lambar Konton ee gobolka  Shabeelada Hoose ka bilaabay  shaqaaqad ka dhalatay is qab qabsi  dhul iyo Beer oo maalmahaan ka taagnaa Degaankaasi

Gudoomiyaha Gobolka shabeelada Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in isaga iyo Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji uu Madaxweyne Lafta gareen uu u diray  Xal ka gaarista murunka dhulka ee ka ka jira Lambar Konton oo milkiyadiisa ay dad ay sheegayaan  islamarkaana meel Wanaagsan ay wax u marayaan .

Dhinaca kale  Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose iyo  Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji ayaa kula kulmay Degaanka Lambar Konton ciidamada qaranka iyo kuwa Degaanka ee dagaalka kula jira  Alshabaab .

Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji iyo Guddoomiye Maxamed Ibraahim Barre oo meel fagaare ah kula hadlay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan Degaankaas ayaa kula dardaarmay inay dardar geliyaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab , iyagoo uga mahadceliyey sida ay ugu guuleysteen in shacabka Degaanadaas ay gacan siinayaan Ciidamada halkas ku sugan  la dagaalanka Alshabaab .

Codkakoonfurgalbeed.com

 

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com