Baydhabo (CKG-). Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Mudane Maxamuud Maxamed Kheyr oo ay Wehliyaan Wasiirada Qorshaynta, Wasiir kuxigeenka Waxbarashada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane Fadal Abdullahi Mursal iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Mudane Abdifatah Mahad Abdirahmaan ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi ka socday Dowlada Finland.
Socdaalka Wafdiga Magaalada Baydhabo ayaa ahaa Xoojinta Hormarka Waxbarashada Deeganada Koonfur Galbeed iyo sidii Dowlada Finland ay ukordhin lahayd Taageerida Arimaha Waxbarashada kuwaasi oo hada ay ka wadaan Magaalada Baydhabo iyo Degmooyinka kale ee Koonfur Galbeed.
Sodon iyo kow sanno kaddib soomaaliya waxay yeelaneysa waxbarasho tayeysan iyadoo ay ka taagyeerayaan dowladaha caalamka
CodkaKoonfurGalbeed.Com
Sawiro