Home » Wafdi ka socday Dowladda Somalia oo Shirweyne uga qeyb galay Magaalada Jidda

Wafdi ka socday Dowladda Somalia oo Shirweyne uga qeyb galay Magaalada Jidda

by Mohamed Adam Socdaal

Hidda (CKG)- Magaalada Jidda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa waxaa xalay ka furmay shirka sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB-2023) oo sanadkan lagu qabanayo dalkaas Sacuudiga.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb galay furitaanka shirka Bangiga Horumarinta Islaamka.

Wasiir Cilmi Maxamuud oo Qoraal kusoo qortay bartiisa gaarka ah ayaa waxa uu ku sheegay inuu kulamo kulamo gaar & guud ahba la qaatay madax kala duwan oo shirka ka soo qeyb gashay.

Wasiirka ayaa tilmaamay in mas’uuliyiinta uu la socday uu kala hadlay horumarinta hannanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya, isagoona xusay in kulamada ka dhacay Magaalada Jidda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay ahaayeen kuwo muhuiim ah.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com