Home » Wafdi ka socday Dowladda Federaalka iyo Qatar oo Maanta gaaray Kismaayo

Wafdi ka socday Dowladda Federaalka iyo Qatar oo Maanta gaaray Kismaayo

by Mohamed Adam Socdaal

Kismaayo (CKG)- Guddoomiyaha Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka SoDMA Maxamuud Macalin oo ay wehliyaan masuuliyiin ka socda Hay’adda Qatar charity iyo sanduuqa horumarinta Dowlada Qatar ayaa gaaray magaalada Kismayo ee xarunta ku meelgaarka ee Jubaland.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay wasiirada Qorsheynta Abdirahman Abdi Ahmed iyo Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Ahmed Hassan Cumar Jubaland.

Guddoomiyaha  iyo masuuliyiinta ka socdo dowlada Qatar ayaa si wadajir ah magaalada Kismayo ku daahfuri doono mashuruuca gargaar raashin ah lugu gaarsiin doono 46000 oo qoys guud ahaan dalka gudahiisa oo ay Dowlada Qatar maalgelisay.

Sidoo kale Guddoomiye Maxamuud Macalin iyo xubnaha ka socda Hay’adda Qatar charity iyo sanduuqa horumarinta Dowlada Qatar ayaa waxaa ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Codkakoonfurgalbeed.com

 

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com