Laascanood (CKG)- Wafdi ka socday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, Jaamac Xasan Khaliif ayaa gaaray magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Soo loo bilihii lasoo dhaafay ay socdeen dagaallo culus.
Wasiir Jaamac Xasan ayaa kulamo la qaatay qaar kamid ah Guddiga 33-da xubnood ee SSC, isla markaana ka xog wareystay xaaladihii ugu danbeeyay ee dagaallada ka socda Laascaanood ee u dhexeeya ciidanka SSC iyo ciidanka maamulka Somaliland.
Kulanka ayaa waxaa intiisa badan looga hadlay dhibaatooyinka ka dhashay dagaalladii xooganaa ee ka dhacay Laascaanood, kuwaas oo sababay khasaaro isugu jiray dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed oo gaaray inata badan dhismayaashii magaalada.
Wasiirka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, Jaamac Xasan Khaliif ayaa noqday Wasiirkii ugu horreeyay ee ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ee safar ku taga Laascaanood oo bilhii lasoo dhaafay ka dhacayeen dagaallo lagu hoobtay,