Home » Wafdi ka socda DFS oo kulamo xal raadin ah ka billaabay magaalada Baraawe

Wafdi ka socda DFS oo kulamo xal raadin ah ka billaabay magaalada Baraawe

by CKG Editor

Baraawe (CKG) – Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Darajada 1-aad Col. Xasan Cali Nuur Shuute ayaa gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ahna Caasimadda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wafdiga tagay Baraawe oo ay qeyb ka yihiin Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada QS Col Liiban Cali Yarow, Wasiirka Gashandhiga Cabduqaadir Jaamac,  Wasiirka Cadaalada KGS iyo Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose.

Ujeedka Mas’uuliyiintan ayaa ah dhameystirka xalka rabshadihii dhawaan ka dhacay Magaalada Baraawe ee u dhaxeeyay Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa Millateriga Federaalka Soomaaliya.

Warar ay helayso Warbaahinta CodkaKoonfurGalbeed.com ayaa sheegaya in wafdiga ay dirtay dowladda Federaalka ay durbo Baraawe ka bilaabeen kulamo xal raadin ah, isla markaana Jimcihii maanta ay la kulmeen saraakiisha ciidanka dowladda ee halkaas jooga iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay wafdiga maalmaha soo socda joogi doonaan Baraawe inta ay si dhammeystiran loo soo gabagabeenayo xiisadii dhawaan dhacday, si loo hubiyo loona xaqiijiyo Nabadda iyo xasiloonida Caasimadda Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn, dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Baraawe ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen in ka badan 20 qof, halka tiro intaa ka badanna ku dhaawacmeen.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com