Home » Wafdi ka socda dalka Suudaan oo Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho

Wafdi ka socda dalka Suudaan oo Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho

by Mohamed Adam Socdaal

Muqdisho (CKG)- Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xamse Aadan Xaadoow ayaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay wafdi ka socda Dalka Suudaan oo uu hoggaaminayo wakiil ka socda wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan Daf Calah Xaji Cali,

Wakiilka ka socda Suudaan ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho waxa uu kulan la qaadan doonaa madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya,

Xaaladda Sudan ayaa isbedeshay markii ay xiisado dagaalo hubeysan ay ka qarxeen15-kii bishii April ee sanadkani kuwaasi oo u dhaxeeya Dowladda Militariga iyo kooxda RSF.

Dowladda Soomaliya ayaa bilowday daddaalo lagu soo samata bixinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi, waxaana magaalada Muqdisho kasoo degay dad farabadan oo Muwaadiniin Soomaali ah oo kasoo cararay Colaada Suudaan.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com