Home » Wadooyin cusub oo laga dhagax dhigay degmada Xudur(SAWIRRO)

Wadooyin cusub oo laga dhagax dhigay degmada Xudur(SAWIRRO)

by Weriye Ateera
Xudur(CKG)-Gudoomiyaha Degmada Xudur ahna duqa magaalada mudane Cumar Cabdulaahi Maxamuud ayaa dhagax-dhigey dayactirka 3-waddo oo muhiim u ah isku socodka Bulshada, oo maalgelinaya Hay’adda UNDP oo maamulka Degmada wasaaradda Arimaha Gudaha Koonfur Galbeed kala shaqeysa dib u dhiska & horumarinta adeegyada Bulshada.
– Wadada shaneemada ee horumarta isgooyska Tool una gudba garoonka diyaaradaha magaalada.
– Wadada Isgooyska Ukun una gudubta garoonka diyaaradaha.
– Wadada dugsiga sare ee Marta Salaxa ilaa iyo Daniyaasha.
Gudoomiyaha Degmada dhagax-dhigga waxaa ku wehlinaayey Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Bakool, Gudoomiyaha Guddiga howlaha guud iyo dib u dhiska iyo xubno katirsan golaha deegaanka ee Degmada Xudur.
Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com