Home » Waddada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo oo dayactir lagu sameeyay.

Waddada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo oo dayactir lagu sameeyay.

by Weriye Ateera

 

Baydhabo(CKG)-Wasaarada howlaha guud,dib u dhiska iyo guryaynta dowlad goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dib u dayactir balaaran ku samaysay waddo muhiim u ah u sosocodka dadka iyo gaadiidka magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho.

Waddooyinkaan ayaa .bur buriyay roobabkii deerta ahaa ee ka da’ay degaanada koonfur galbeed soomaaliya kuwaasi oo bilooyin hakad galiyay gaadiidkii ka imanaayay ama ka baxaayay magaalada Baydhabo taasi oo laga dareemay sameynteeda magaalada Baydhabo iyo degmooyinka kale ee ka tirsan gobolka Baay.

Wasaaradda ayaa dhismaha waddadaani kala qeyb qaatay ganacsatada gobolka Baay kuwaasi oo ayagana kaalintooda ka qaatay dhismaheeda.

Dalka ayaa ka ka bilowday roobabka Guga taasi ayaa looga cabsi qabaa in mar kale ay jaraan ama bur bur ay u kenaan waddooyinka ugu mihiimsan ee ku xiran magaalada Baydhabo kuwaasi oo intooda badan ay yihiin kuwo ku yimaada gaadiidka maciishada kala duwan u soo raran magaalada Baydhabo ama guud ahaan degmooyinka gobolka Baay.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com