QANSAX-DHEERE(CKG)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa degaanka Kulan Jareere oo 25KM kaga beegan dhinaca koonfur degmada Qansax dheere ee gobolka Baay halkaasi oo dagaal labo sac qaatay ku dhaxmaray Ciidanka Daraawiishta KGS, iyo kooxda Al-shabaab.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhashtay dhimasho iyo dhaawacyo sidoo kale kooxda Al-shabaab oo lagaga soo furtay mootooyinka nooca Fekonta ah.
Kooxda Al-shabaab ayaa looga dilay afar askari dagaalkaan oo shalay ka dhacay degaanka kulan Jareer halkaasi oo kooxda Al-shabaab si dhumaleysi ah ku joogeen iyagoona dhibaatayn jireen dadka degaanka iyo wadooyinkeeda mara.
Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta degmada Qansax dheere ayaa sheegaya in afarta askari ee lagu dilay dagaalkaani uu ku jiray taliyihii u qaabilsanaa kooxda Al-shabaab degaanka Kulan Jareer.
Dagaalka kadib ayaa Ciidanka Daraawiishta KGS, waxay howlgal lagu xaqiijinaayay amniga ay ka sameyeen degaanka, waxayna sidoo kale la kulmeen dadka degaanka ayagoo u sheegaya in degaanka laga sameyn doono iyo kuwa kaleba kooxda Al-shabaab oo dhibaato ku ah shacabka soomaaliyeed.
Ciidanka Daraawiishta KGS, ee ku sugan degmada Qansax dheere ayaa waxay wadaan dadaalo ku aadan sidii ay uga adkaan lahayeen oo uga saari lahayeen kooxda Al-shabaab degmada Qansax dheere iyo degaanada kale oo ka tirsan degmada madaama Qansax dheere ay kamid tahay degmooyinka KGS, u godoonsan Kooxda Al-shabaab.
Codkakoonfurgalbeed.com