Home » Waa sidee xaaladda Bini’aadinimo ee ka jirta Qansax-dheere(SAWIRRO)

Waa sidee xaaladda Bini’aadinimo ee ka jirta Qansax-dheere(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Qansaxdheere(CKG)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka DKGS mudane Cabdi Cali Dogey oo ay weheliyaan Agaasimayaasha Wasaaradaha Gargaarka iyo Beeraha ee DKGS iyo madax ka socotay Hay’adda World Vision ayaa kormeer shaqo ku tagay Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay.

Agaasimayaasha Wasaaradahan oo uu weheliyo Gudoomiyaha Degmada Qansaxdheere ayaa kormeeray xaaladaha bini’aadantinimo ee ka jira Degmada iyagoo kormeer ku tagay xarumaha caafimaadka ee lagu bixiyo sahayda nafaqada caruurta iyo goobaha ay degan yihiin dadka barakacayaasha ee Degmada Qansaxdheere.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo ay weheliyaan Agaasimayaasha kale ayaa daahfuray mashaaricyo cusub oo muhiim u ah baahiyaha caafimaad ee ka jira Degmada, isla markaana yareyn doona saameynta abaaraha ay ku yeelatay nolosha bini’aadamka.

Ugu dambeyn, Wafdiga ayaa kulan la qaatay Maamulka Degmada, Ururada bulshada iyo hay’adda World Vision iyagoo ka dhageystay xaaladaha ka jira Degmada, baahiyaha jira iyo adeegyada ay heystaan ee u baahan in la horumariyo. Waftiga ayaa balanqaaday in baahiyaha jira wax laga qaban doono iyagoo uga mahadceliyay Hay’adda World Vision dadaalkeeda iyo kaalmada bini’aadamnimo ee ay ka wadaan Degmada Qansaxdheere.

Codkakoonfurgalbeed.cim

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com