Home » Waa sidee Xaalada Degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool?

Waa sidee Xaalada Degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool?

by Weriye Ateera

Ceelberde(CKG)-In ka badan 5 qof ayaa ku geeryoodey, tiro intaa ka badanna waa ay ku dhaawacmeen dagaal shalay ka dhacay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool .

Dagaalka ayaa bilaawday ka dib murun soo kala dhex galay Askar ka Tirsan Ciidanka Dawlada Federaalka ee ku sugan degmadaas .

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya Xaaladda degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ay maanta degan tayahy balse , waxa jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo laga soo sheegayo xadka uu gobolka Bakool la wadaago Itoobiya.

Dagaalka shalay ka dhacay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa ku soo aadaya xilli maalmo ka hor uu Magaalada Baraawe ee Caasimadda Dawlad goboleedka KGS uu dagaal ku dhex maray Ciidamo ka Tirsan Xoogga dalka iyo Daraawiishta Koofur Galbeed kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com