Home » Waa qeybo kamid ah dhismiyaasha waddooyinka Magaalada Baydhabo(SAWIRRO)

Waa qeybo kamid ah dhismiyaasha waddooyinka Magaalada Baydhabo(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

BAYDHABO(CKG)-Badi waxaa dhisan waddooyinka lagu dhinac jeexay kanaaladii mari lahaa biyaha oo lagu kor diyaariyay nalal ku shaqeeya adceedda, waxaana laamiga lagu asteeyay calaamadihii kala hagi lahaa gaadiidka kala duwan iyo qeybtii shacabka, halka aan ka sheekeynaayo waa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo nasiin u yeelatay in ay hesho tan ilaa bur-burkii dowladdii dhaxe waddooyinkii ugu fiicnaa gaar ahaan degmooyinka KGS.

Waddooyinka waxay marayaan dhamaadka wijigii koowaad, iyadoona hadda ay socdaan kuwii kale oo ah wajigìi labaad.

Sawiradda idin muuqda kaliya waxaa laga soo qaaday Buundada Abshir kaahiye ilaa ay gaarto Isbitaalka gobolka Baay ee magaalada Baydhabo.

Intaasi kadib waxaa laga bilaaway waddadii aadi laheyd ilaa kontoroolka xaafadda wadajir gaar ahaan suuq weynaha xaafaddaasi ee la yiraado Buunbashar.

Waddadaani ayaa waxaa laga soo bilaaway kontoroolka Al-Axmaar ama Onodka, waxayna si toos ah usoo kormartay Buundada Isha Baydhabo ilaa Afar Irdoodka iyadoon hadda la bilaaway dhismihii ay biraha ahaa ee laga qeybin lahaa gaadiidka iyo shacabka.

Iyadoo waddooyin kale ee magaalada Baydhabo ay dhiman yihiin ayaa wajigii koowaad ee dhismaha waddooyinkaani soo dhaweeyay bulshada magaalada Baydhabo.

Tani waxay qeyb ka tahay horumarada ay ka socdaan magaalada Baydhabo, waxay bilow u tahay dib u dhiska waddooyinka.

Waxaa hagaagay oo shacabka magaalada Baydhabo ay wada qireen in laga neebsaday bur-burkii iyo dhibaatadii lagu wari jiray waddooyinkaani gaar ahaan waddada aadda isbitaal weynaha gobolka Baay.

Dhismiyaasha waddooyinka dhiman oo shacabka magaalada Baydhabo u baahi qabaan ayaa waxay kamid tahay Afar Irdoodka ilaa inta u dhaxeyso kontoroolka Hotel Bakiim ama Maanya Fuulka taasi oo ka muuqdo bur-bur aad u weyn oo ku dhib qaba gaadiidka iyo bulshada isticmaasha.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com