Home » Ururka SOWEJA oo tababar kusaabsan ka hortaga wararka been abuurka ah xiliga doorashooyinka ku qabtay Baraawe(SAWIRRO)

Ururka SOWEJA oo tababar kusaabsan ka hortaga wararka been abuurka ah xiliga doorashooyinka ku qabtay Baraawe(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Baraawe(CKG)-Gudoomiyaha degmada Baraawe cumar sheekh Cabdi ayaa magaalada baraawe ka furey tababar uu soo qaban qabiyey Ururka Wariyaasha KGS.

Siminaarkan oo socon doona mudo sedax maalmood ah ayaa waxaa wariyaasha ay ku baranayaan ka hortaga wararka been abuurka ah xiliga doorashooyinka.

Siminaarka ayaa waxaa qabtay ururka wariyaasha Koonfur Galbeed ee SOWEJA. Iyadoo uu taageeray xafiiska UNSOM.

Gudoomiyaha ururka wariyaasha Koonfur Galbeed Muxidiin Xasan Maxamed (Xusni) ayaa siminaarkan wariyasha Baraawe loo qabtay fafaahiyay, wuxuuna sheegay muhiimadda uu u leeyahay siminaarkaani wariyaasha Baraawe.

“Tababarkaan oo maanta ka furnay degmada Baraawe ee loo qabtay wariyaasha degmada ayaa waxaa lagu baran doonaa ka hortagga wararka been abuurka ah ayaa waxaa qabashadiisa iska kaashaday Ururka SOWEJA iyo xafiiska UNSOM, Waxaana uu socon doonaa muddo sedax maalmood ah.

Gudoomiyaha degmada Baraawe cumar sheekh Cabdi ayaa uga mahadceliyey SOWEJA tababarka wariyaasha baraawe u qabtay.

“Waxaan u mahadcelinayaa Ururka Suxufiinta SOWEJA oo uu hogaaminaayo Gudoomiye Muxudiin Xusni iyo Xafiiska UNSOM oo suurta galiyay in maanta degmada Baraawe tababar ay ugu qabtaan wariyaasha degmada kaasi oo lagu baran doono arimaha doorashooyinka dhinaca kalena wariyaasha fursadda u helay tababarka waxaan ka rajeynaya in ay sidii loogu tala galay ay uga faa’ideysan doonaan”

Siminaarkan ayaa ah mid wariyaasha lagu barayo tabinta doorashooyinka, iyadoo wariyasha baraawe fursad u heleen siminaarkaani.

 

 

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com