Ceeldheer (CKG) – Waxaa faah-faahino dheeraad ah ka soo baxaya, weerar khasaaro dhimasho iyo dhaawacba geystay oo ku billowday qaraxyo oo subixii Sabtida maanta ah ay Argagixisada Al-Shabaab ku qaadeen gudaha degmada Ceeldheer ee bariga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa weerar Afar jiho ah ku qaaday Ceeldheer, taasoo markii dambe xigtay dagaal xooggan oo toos ah oo dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab ee duulaanka soo qaaday.
Wararka ay heleyso warbaahinta CodkaKoonfurGalbeed.com ayaa sheegaya, in khasaaro dhimasho u badaan uu ka dhashay weerarkaasi, waxaana la sheegay in dadkii ku dhintay ay ku jireen saraakiisha, Yoonis Xasan Sabriye iyo Korneel Cabdule.
Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegtay weerarka iyo dagaalkii xigay, iyadoo dowladda Soomaaliyana ay guulo badan ka sheegatay dagaalkii ka dhacay gudaha degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
War ay Ururka Al-Shabaab ka soo saareen weerarkaasi dagaalka xigay, ayaa waxay sheegtay inay kula wareegeen fariisimo ay joogeen ciidamada iyo xarumo muhiim ah, sida ay hadalka u dhigeen.
- Madaxweyne Lafta-gareen oo ciidamada Itoobiya ku amarey in ay xoojiyaan amniga guud KGS(SAWIRRO)
- Kooxda Al-shabaab oo weerar ku qaaday Degmada Ceeldheer
- Israaiil oo lagu daray Liiska dambiilayaasha caalamiga ah ee ku xad-gudba carruurta
- Maxay kala yihiin Maxkamadaha Madani iyo Ciqaab?
- Dagaal u dhaxeeya ciidanka Booliska KG iyo kooxda Al-shabaab oo ka dhacay degaanka Uffurow.
- Shan faa’iido oo Soomaaliya ay ka heli karto xubinnimada Golaha Ammaanka ee QM
War-saxaafadeed ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay soo saartay waxa ay ku sheegtay inay la jabiyay argagixisada Al-Shabaab ee weerarka ku soo qaaday degmada Ceeldheer, khasaaro xoogganna ay gaariiyeen.
“Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo Ciidammada Deegaanka ayaa saakay jab xooggan u geystay Maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah oo waaberigii hore ee saakay weerar ku soo qaaday fariisimmo ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo deegaanka ku leeyihiin degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud”
“Ciidammada ayaa horey u hayey xogta iney maleeshiyaadku Khawaarijtu qorsheynayeen Weerarkan taasi oo keentay in Ciidammada Xoogga Dalka iyo Ciidammada Deegaanka oo aad u feejigan islamarkaana difaacyo uga jira meel ka baxsan fariisimihii lagu yaqiinay ay qaflad ku qabtaan Maleeshiyaadkii qorshahoodu ahaa iney wax dhagraan taasina ay sahashay in Maleeshiyaad badan halkaasi lagu laayo”. ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Dowladda Soomaaliya.
Si kastaba, Al-Shabaab oo laga xorreeyay magaalooyin ay ka mid tahay Ceeldheer, ayaa waxaa iminka gacanta ku haya ciidamada Gorgor, kuwa Macawiisleyda iyo ciidamada Danab.
CodkaKoonfurGalbeed.com